Hor-dhac
Dhalinyarada_waxa lagu qeexaa da’da u dhexeyso 15 ilaa 38 sano jir oo loo aqoonsaday in ay yihiin dhalinyaro taas oo ka soo baxday xog ururin heer calami ah oo la sameeyey. Marxaladani waxa ay door aan ladafirikarin ku leedahay qofkasta oo dunida ku nool kana fekeraya aayaha iyo mustaqbalkiisa danbe.
Dhalinyradu waa qayb muhiim ah oo bulshada ka mid ah oo u baahan feejignaan iyo wax u-qabasho gaar ah si loo xaqiijiyo in marxaladaasi kala guurka ay u noqodaan kuwo taabagal u ah qof kasta oo dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed dal iyo dibad.
Dhalinyaradu waa udub dhexaadka bulshada, waana tiirka mid ah tiiraraka ugu muhiimsan ee bulsho ku taagantahay.
Dhalinyaradu waxay ay door muhiim ah ku leedahay hormarka wadanka,waana meesha laga eego hadaad rabto inaad ogaato wadan ka mid ah wadamada dunida sida uu noqon doono hormarkiisu sanadaha soo socda.Markaan u soo laabto wadankeena Soomaaliya dhalinyaradu waa qeybta ugu balaaran ee bulshada Soomaaliyeed waxa ayna celcelis ahaan ka yihiin 70% dadka ku nool wadanka cilmi baaris lasameeyey.
Hadaan rabno inaan hormarino wadankeena waa in aan maalgalinaa dhalinyarada si loo helo xoog u shaqeeya wadanka kana qeyb qaata hormarka ka socda wadanka.
Dhalinyaradii SYL waxa ay qeyb muhiim ah ka qaateen hormarkii wadanka ayadoo xaaladda iyo waqtiguba uu ka adkaa sida uu hada yahay wadankana ay gacanta si toos ah ugu hayeen guumeystayaashii wadanka soo marey waxa ayna ku dhiiradeen iney waxka badalaan wadanka ayagoo tiro aad u yar ahaa aqoontoodun aysan sareyn.
Dhalinyaradu waa udub dhexaadka isbedelka wadanka waana muraayadda laga daawado wadan kasta, in laxoojiyo lana maalgaliyo waxa ay fududeyneysaa in wadanku gaaro hormar lataabankaro, waa markii si macno leh loogu garab istaago inay dalkooda hagaajiyaan, maadaama dhalintu ahayd kuwii 1943 gobonimada u halgantey, kuwaas oo ahaa 13-kii dhalinyaro ee SYL ee xorriyada u soo halgantey.
Meelaha u baahan in laga xoojiyo dhalinyarada waxa ka mid ah:-
B. In laxoojiyo Waxbarashadooda iyo Tababarada laxiriira xirfadaha dhalinyarada.
T. In loo sameeyo Shaqo abuur si looga hortago falalka amniga lidka ku ah.
J. In laga qaybgeliyo dhalinyarada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta Saboolnimada.
X. In laga hor istaago Tahriibka oo ah aafo qaran oo saameysay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Kh. In laga qeyb galiyo dhalinyarada Siyaasadda si ay ugu mid noqdaan hogaaminta dalka.
Gunaanad
Dawladdu waa iney sameysaaa qorshayaal cad cad oo ku saabsan sidii dhalinyaradu u noqon lahayd kuwo hormuud u ah wadankood kana qeyb qaata hormarka iyo wacyiga wadanka.
Dhalinyaradu waa awood aan cidna dhayalsankarin (awooda qarsoon), abuurikarana kacdoon dhan walba ah, laakiin waxa weli muuqata ineysan ku baraarugsaneyn ama aysan ka warheyn awoodooda maskaxeed iyo jir ahaaneed.